Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Madiera oo Cambaareeyay Weeraradii argagaxiso ee Gilgilay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Francisco-Madeira-1024x682.jpg?resize=10Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ay dadka badani ku naf-waayeen ee habeen hore ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay sheegatay Al-shabaab.

Danjire Madeira ayaa sheegay in dadkii lagu dilay weerarkaa ay ahaayeen kuwo aan waxba galabsan, isagoo xusay in weerrarada noocan oo kale ah ay dhibaato weyn ku yihiin shacabka Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada kuwii lagu dilay weerradaas aan macnaha ku fadhin. Weerraradan waxay ahaayeen kuwo la doonayo in lagu cabsi-geliyo shacabka Soomaaliyeed, balse waxaa naga go’an inaan ka hortagno kuwa doonaya inay dadka iyo dadka dhibaateeyaan,” ayuu danjire Madeira ku yiri hadal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale, Ergayga ayaa ammaanay geesinimada cidiamada dowladda oo ka hortagay weerarka, isagoo xusay in weerarradan ay ahaayeen kuwo laga lahaa ujeeddooyin gaar ah, balse aan lagu guuleysan.

Al-shabaab ayaa weerarro toos ah oo ay barbar-socdeen qaraxyo waxay la beegsadeen habeen hore xarunta madaxtooyada Somalia iyo agagaarka dhismaha FIAT ee KM-0, kuwaasoo geystay dhimashada 35-qof iyo tiro ka badan 50-qof dhaawacyo ah.

Ugu dambeyn, Ergayga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu soo gaaray war ku saabsan in askari ka tirsan ciidamada AMISOM ay dileen askari Somali ah oo sugayay amniga Isgoyska KM-4, falkaasna ay baarayaan.

PUNTLAND POST

The post Danjire Madiera oo Cambaareeyay Weeraradii argagaxiso ee Gilgilay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this