Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Xildhibaan Xuseen Sheekh ” Al-shabaab in ay yimaadaan Madaxtoyada horteeda waxa ay muujinaysaa in ay jirto dabacsanaan xoogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah Xildhibanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa  Dowladda Fadaraalka  ku dhaliilay in ay ka gaabisay in lasugo Amniga shacabka.

Xildhibaan Xuseen Sheekh oo kamid ah golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ku canaa nanayaan in ay shaqa deeda ay qabsato oo shacabka Soomaaliyeed Amaankooda ay balan qaado.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jirto dabacsanaan dhanka Amniga ah taas oo keentay in dirayskii Ciidamada  Nabad sugida iyo kaararkii Aqoonsiga ee  Ciidamada lagu soogalo Madaxtooyada .

Waxa uu sheegay in hadii ay dowladda ogayd xogta weerarkan looga baahnaa in ay ka hortagto oo ay xakamayso .

Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beeg maya kadib markii habeen ka hor kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab Magaalada Muqdisho ay ka fuliyeen sadax Qarax oo is xig xigay kaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 29 qof oo shacab ubadan ,halka dhaawacana lagu sheegay in ay gaarayeen ku dhawaad 15 qof .

Halkan Hoose ka dhagayso Xildhibaanka .

      Xildhibaan Xuseen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this