Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso)+Sawirro:-Adeega Fiber Optic ee Puntland oo markii u horaysay xariga laga jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkada isgaarsiinta ee Golis Telcom ayaa Magaalada Bosaso waxay ku daah furtay  Adeega Fiber Optic ,kaas oo xawaarihiisa uu aad u dheereeyo lagana hirgaliyay dhawaan Puntland.

Xafalad si aad ah loo soo Agaasimay laguna daah furay adeegan casiraga ah ayaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Hotel Gacayte ee Magaalada Bosaaso , waxaa ka soo qaybgalay Maamulka sare ee Shirkada Golis Telcom  oo uu hogaaminayo maareeyaha Shirkada Siiciid Aadan Axmed, Mamulka Gobolka bari, xildhibaano ka tirsan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya , Ismada dhaqanka Ganacsato Wakiilo ka socday jaamacada ku yaala Magaalada Bosaaso iyo Siyaasiyiin .

Sheekh Fuaad Xaji oo ah madaxa suuqgaynta shirkada isgaarsiinta ee Golis oo sharaxaad ka bixiyay adeegan ayaa sheegay in Fiber Optic uu yahay Mashruucii ugu waynaa ee ay Soomaali maal galiso oo dalkan yimaada ,kaas oo ah kii ugu horeeyay oo gbolada Puntland soogaara.

Sheekh Fu,aad Xaaji ayaa sheegay in Macaamiisha shirakada laga bilaabo maanta ay kabixi doonto ciriirigii ay ku qabeen Internedka oo ay heli doonaan intened waasic ah oo xawaarihiisu sareeyo Qiimihiisuna uu jabanyahay

Waxa uu sheegay in qofkii raba Adeega Fiber Optic uu leeyahay labo faa iido oo kala ah .

1- Qiimo Jaban 2- Interned xawaarihiisu uu aad usareeyo.

Shirkada Golis ayaa intii ay Xaflada socotay waxa ay Abaalmarino gudoonsiiyas  martidii ka soo qayb gashay munaasibadii lagu daah furayay Adeegan .

Shirkada Goli ayaa ah hormuudka isgaarsiinta gobolada Puntland oo dhan ,waxayna kaalmaha koowaad kaga jirtaa shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland C/wali  Cali Gaas ayaa dhawaan xariga ka jaray Adeegan  Fiber Optic oo ay Shirkada Goli soo kor dhisay.

Hadaba Halkan ka dhagayso Madax Suuqgaynta Shirkada Golis Sheekh Fuaad Xaaji oo sharaxaya  Adeega  Fiber Optic.

      Sheekh Fu,aad Madax Suuq gaynta Golis

vlcsnap-error087.png vlcsnap-error094.png vlcsnap-error446.png vlcsnap-error530.png vlcsnap-error608.png

FFFFFFFFFFF.jpg XIRMO.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this