Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka goobaha laga galo Xarunta Madaxtooyada oo la adkeeyay iyo Ciidamada Illaalada oo..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in si wayn loo adkeeyay ammaanka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dhamaan koontaroolada gaadiidka ay ka galaan Xarunta Madaxtooyadda iyo goobaha xeyndaabkeeda ah, ayaa lagu xoojiyey ciidamo badan, kadib weerarkii habeenkii Jimcaha Al Shabaab ku qaadeen dhismooyin ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Gaadiidka dowladda ee ka gudbaya Koontaroolada Madaxtooyadda Somaliya ayaa si aad ah loo baarayaa, iyadoo laga hubinayo iyaga iyip gaadiidkooda, waxaana ciidamada oo qaarkood la bedalay ay ku jiraan feejignaan heer sare ah.

Koontaroolada kala ah, Sayidka, Tiyaatarka iyo Koontaroolka ku dhaw Beerta Nabadda, iyo Ceelgaabta ayaa lagu arkayaa Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah iyo ciidamo lagu kordhiyey.

Ciidamada ayaa si aad ah u hubinaayo gaadiidka ay saaran yihiin askarta dowladda, maadaama raggii hubaysnaa ee Shabaab ka tirsanaa ee Jimcihii weerarka fuliyay ay gashnaayeen darees loo ekeysiiyay kuwa ay isticmaalaan ciidamada Booliska Somaliya.

Arrintan ayaa dhaliay ciriiri iyo Saxmad ka dhalatay xaaladda amni ee lagu soo kordhiyey Koontaroolada Madaxtooyadda markii baaritaanka Gadiidka iyo dadka ay noqdeen kuwo waqti badan qaadanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ammaanka goobaha laga galo Xarunta Madaxtooyada oo la adkeeyay iyo Ciidamada Illaalada oo.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this