Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo soo bandhigay Magacyada Saraakiil iyo Xildhibaano ay sheegeen inay ku dileen weeraradii Muqdisho  

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay magacyada Xildhibaanno hore, siyaasiyiin iyo saraakiil katirsan Nabad sugidda iyo melleteriga oo ay sheegeen inay ku dileen weeraradii habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo arrintaan xaqiijin karo haddana Shabaab ayaa soo bandhigay liiska ilaa 10 shakhsi oo ay sheegeen inay dileen.

Hoos Ka akhri Magacyada saraakiishii ay Shabaab sheegtay in lagu dilay weeraradii Madaxtooyada iyo Nabad sugidda.

1-Axmad Xuseen waa Xildhibaan Hore waxaa lagu dilay weerarkii habeen hore

 

2-Abshir, Waa Korneel ka tirsan ciidamada Koofi-Gaduudda

3- Mahad Salaad Laba Xidigle melleteriga katirsan

4-C/Risaaq Cali Maxamed, Madaxa waaxda sharci dajinta ee wasaarada Cadaalada

5-Xuseen Cali, Laba Xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

6-Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Bashiir waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

7-Shariif waa laba xidigle ka tirsan ilaalada madaxtooyada

8- Saddex ka tirsan ciidamada Alpha Group waa dhimasho.

9- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Jiijeey waxaa lagu dilay weerarkii

10- sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Maslax wuxuu katirsanaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo waxaa lagu dilay weerarkii .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Shabaab oo soo bandhigay Magacyada Saraakiil iyo Xildhibaano ay sheegeen inay ku dileen weeraradii Muqdisho   appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this