Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan C/shakuur: “Sidee ku dhacday in mar qura la weerarro Madaxtooyada iyo Xaruntii NISA…??”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta ku kacsan dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wax aan maangal ahay ku tilmaamay in aysan dawladu ilaa iyo haatan ka hadlin weeraradii dhagar qabayaasha Alshabaab ku dileen ku dhowaad 50 sida uu yiri.

Siyaasiga ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed wuxuu Madaxda qaranka uga fadhiyo inay la hadlaan lana wadaagaan, arrimaha ay ka midka yihiin: Sharaxaad sidii ay wax u dhaceen iyo baaxada khasaaraha iyo Sida ay ku dhacday in marqur ah Xaruntii Nabadsugida iyo Madaxtooyada la weeraro, iyadoo maalin ka hor Golaha Wasiirada digniin weerar laga soo saaray.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale su’aal ka keenay sSababta keentay in AMISOM xabado ku furto ciidan Soomaaliyeed, dishana qaarkood, wuxuuna lagama maarmaan u arkay inay dowladdu shaaciso talaabooyinka ay qaaday si ay shacabka hubanti u siiso in amnigu gacanta ku jiro, welwel kana looga saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post C/raxmaan C/shakuur: “Sidee ku dhacday in mar qura la weerarro Madaxtooyada iyo Xaruntii NISA…??” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this