Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xasaasi ah laga qoray dagaalkii AMISOM & NISA ku dhex maray KM4 [Dadka dhintay oo kordhay]

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin hordhac ah oo laga qoray shilkii iska hor imaadka ahaa ee dhex maray ciidamo ka tirsan AMISOM iyo ilaalada NISA ee ku sugan barta laga galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee KM4.

Warbixintan oo ay qoreen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen habeenkii Jimcaha oo Magaalada Muqdisho ay xirneyd iyadoo uu socday weerarkii Alshabaab.

cinwaan uga dhigay “Weerarka AMISOM ee NISA“, saraakiisha waxaa ay ku sheegeen in Ciidanka AMISOM ee waddadaas marayay uu ka xirmay Waddada Madina Gate ee ay ka galaan Xerada Xalane ,sidoo kalena Waddada kale ee Marina Gate oo dhinaca Dugsiga tababarka Booliska ay iyana ahayd mugdi lana xiray, qasabna ku noqotay in ay waddada KM4 maraan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay ayaa lagu sheegay in Askari ka tirsan NISA uu Sarkaal ka tirsan AMISOM u sheegay in waddada ay xiran tahay, laakiin Sarkaalka AMISOM ayaa la soo baxay Bistoolad, waxaana xigtay in Askarta AMISOM ay iyana qoryahooda ku jeediyeen Ciidanka NISA ,si la mid ah Ciidanka NISA oo is-difaacayana ay 8 Qori ku jeediyeen Ciidanka AMISOM.

Intaas kaddib sarkaalka watay AMISOM ayaa hoos u dhigay Bistooladda, waxaana uu askartiisa amray in ay hubka hoos u dhigaan, isagoo dib ugu laabtay gaarigii uu la socday, waxaana loo qaatay inuu xiriir la sameynayo saraakiishiisa, balse waxaa dhacday in daqiiqado kadib mid ka mida Gaadiidkii AMISOM xoog ku jiiray Birta Koontaroolka. Askartii kale ee Kolonyada la socotayba ay rasaas xoog leh ku fureen koontaroolka iyo askartii ku sugneyd, taasi waxay kaliftay in Ciidamadii NISA ay iyagana rasaas ku jawaabaan.

Halkaas waxaa ka dhashay khasaare 3 Askari oo NISA ah iyo afar qof oo shacab ah sida lagu sheegay Warbixintalaga qoray sida ay wax uga dhaceen Koontaroolka Ciidanka NISA ee Waddada KM4 iyo Garoonka Aadan Cadde isku xirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Warbixin Xasaasi ah laga qoray dagaalkii AMISOM & NISA ku dhex maray KM4 [Dadka dhintay oo kordhay] appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this