Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland oo Xalay joojiyey xaflad lagu taageeri rabay waxqabadka Xukuumadda Xasan Cali Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkaco (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Xalay la joojiyey munaasabad la doonayo in lagu taageero waxqabadka Xukuumadda Xasan Cali Kheyre taasoo sanad jirsatay.

Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu amray in la joojiyo kulankaas isla markaasna tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii la arko iyadoo qabaneyso kulamada noocaas oo kale ah.

Haddaba Puntalnd ayaa War ka soo saartay joojinta munaasabadaas,waxana War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada & ciyaaraha lagu sheegay in maalmahaan ay soo baxeen Ururo ku qaraabanaya Magaca dhalinyarada kuwaas oo dhibaato ku ah Nabadgelyada iyo Siyaasada Puntland.

Halkaan hoose ka akhriso warqaadaas

Warqada.jpg?resize=696%2C956&ssl=1

The post Maamulka Puntland oo Xalay joojiyey xaflad lagu taageeri rabay waxqabadka Xukuumadda Xasan Cali Kheyre appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this