Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo saacadaha soo socda u dhoofaya Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo axad ah la filayaa inuu u ambabaxo magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Safarka Kheyre ayaa ka danbeeyay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda Imaaraadka Carabta kaddib markii bishii hore ay magaalada Davos isku arkeen wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

Safarka ra’iisul wasaare Kheyre ee Imaaraadka Carabta ayaa horay labo jeer dib u dhacay arrimo farsamo iyo culeysyo kale oo ka yimid sida la sheegay xafiiska madaxtooyada Villa Somalia.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ku leh arrimaha siyaasadda Somalia, sanadihii danbe, iyadoo awood muuqata ay ku dhex yeesheen maamulada gobolada kadib go’aanadii maamulada ka qaateen mowqifkii khilaafka ee mandaqada Khaliijka.

Hase ahaatee, dowladda dhexe ee Somalia ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafkaasi, taasoo kala qeybisay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo taageeray garabka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, kana soo horjeestay Qatar.

The post Kheyre oo saacadaha soo socda u dhoofaya Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this