Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale “Qorshahooda waa inay shacabkeena marba qeyb u laayan si silac ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weli maleegayaan dhagaro ay ku waxyeeleynayaan dadka shacabka ah.

Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay maleegayaan al-Shabaab looga gaashamankaro keliya dadka shacabka ah oo la shaqeeya ciidamada amaanka.

Waxa uu Wasiir Ducaale sheegay in ujeedka ugu weyn ee Shabaab uu yahay inay laayan dadka shacabka ah, waxa uuna farta ku goday in goob waliba oo ay wax ka geysanayaan ay tahay goob ay ku badan yihiin dadka shacabka ah.

‘’al-Shabaab awood mahayaan ee waxaa shacabka laga doonayaa inay la shaqeeyan keliya ciidamada amaanka anaga ayaa wixii intaa ka danbeeya jawaab ka bixineyna’’

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhagarta al-Shabaab ay tahay mid ka fog aragtida shacabka ay ka heystaan, waxa uuna qiray in rabitaankooda uu yahay in gabi ahaan Soomaalida laga tiro dalka.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka iyo ciidamada ayuu ugu baaqay inay laba jibaaran dhafarkooda si ay u difaacan dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Ducaale “Qorshahooda waa inay shacabkeena marba qeyb u laayan si silac ah” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this