Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo lacag duldhigtay 6 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab (Akhriso magacyada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dowladu ay si gaara u doon dooneyso shaqsiyaad looga shakisanyahay in ka tirsanyihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.

Hay’ada Booliska Kenya ayaa sheegtay in shaqsiyaadkaasi la duldhigay lacago farabadan oo lasiin doono cida la wadaagta xogaha shaqsiyaadkaasi oo iminka ku sugan gudaha dalka.

Saraakiisha Taliska Ciidamada Booliska Kenya ayaa u balan qaaday qofkii keenaa macluumaadka shaqsiyaadkaas ama mid un kamid ah shaqsiyaadka sida weyn loo baadi-goobaayo lacag dhan 2 million oo shillinka Kenyaanka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay tirro ahaan dhan yihiin 6 argagixiso oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayaan inay weerar ka fuliyaan waddanka.

Booliska ayaa sheegay in lixda qof oo ay haweenay ku jirto ay ku suganyihiin dalka iyagoona looga shakisanyahay inay xubin ka yihiin kooxda al-Shabaab.

Sidoo kale, Lixdaasi qof ayay Saraakiisha ciidamada  Booliska magacyadoodu ku sheegeen Issack Alio, Cabdiwahab Cismaan, Hareth Hillow, Kusow Yarrow iyo Mumina Erobe.

Dhinaca kale, Saraakiisha iyo ciidamada Booliska ayaa shacabka ku boorriyay in ay feejignaadaan oo ay macluumaad walba ee dadkaasi ku saabsan ku soo wargaliyaan Saldhigyada Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Kenya oo lacag duldhigtay 6 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab (Akhriso magacyada) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this