Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland o o xabsi ku gurtay dadkii la shaqeynayey nin uu Farmaajo xil u magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)- Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo la shaqaynaya taliyaha socdaal iyo jinsiyadaha oo madaxwaynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo u soo gobolada Waqooyi ee la magac baxay Somaliland.

Ciidanka booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex nin oo Hargeysa kala shaqaynaayay masuulkan Farmaajo usoo magacaabay laanta socdaalka Iyo jinsiyadaha Somaliya oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Maxamed Isxaaq waxayna ninkaan isku juffo hoose yihiin madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi.

Seddaxdaan nin ee Hargeysa ku xiran ayaa waxaa ka mid ah Khadar Xuseen Axmed oo madax ka ahaa xafiiska Sky Travel Agency oo ku yaalaa bartamaha suuqa Hargeysa.

Ragaan xabsiga ku jira ayaa si toos ah ugu sameynayay Hargeysa baasaboorka Soomaaliya oo si caadiyan ah dadka Somaliland ay ugu socdaalaan dunida.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

 

The post Somaliland o o xabsi ku gurtay dadkii la shaqeynayey nin uu Farmaajo xil u magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this