Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo qorshe cusub ka damacsan amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ay si wada jira u bilaabeen qorsho lagu sara qaadayo amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isla wada qorsho Hay’adaha amaanka DF loogu kordhinaayo miisaaniyada si dhaqaalaha ugu badan ee dalka ugu baxo xaqiijinta amniga.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isla arkay in xaalada amni darro ee ka jirta dalka ay sabab u tahay ciidamada oo aan xuquuqdooda si rasmi ah u helin iyo Talisyada Hay’adaha amaanka oo dhiiri galin u baahan.

Waxa ay labada mas’uul isla fahmeen inay muhiim tahay in dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyo amniga dalka, iyadoo laga duulaayo weerarada ay maleeshiyaadka al-Shabaab u maleegayaan shacabka.

Waxa ay labada mas’uul is dul-taageen in la kordhiyo miisaaniyada lagu xaqiijiyo amniga Muqdisho, inkastoo ay isla fahmeen in qodobkaas laga sameeyo wada-tashi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale, sheegay in dowlada Federaalka ay xooga saari doonto sida lagu soo afjari lahaa al-Shabaab oo ay sheegen inay kasii dhamaaneyso rajada.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen inay muhiim tahay in la dhiiri galiyo ciidamada Qalabka sida ee Somalia, oo iyagu mudan in loo diyaariyo difaaca dalkooda.

Geesta kale, labada mas’uul ayaa si wada jira u ballanqaaday in awooda ugu badan ee dowlada leysugu geeyo amniga, si ay u dhaqan gasho rajadii laga lahaa Somalia oo nabad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo qorshe cusub ka damacsan amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this