Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya oo Hargeysa u yimid qorsho ay Imaaraadka Carabta ku naas nuujineyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hageysa (Caasimada Online) – Wafti ballaaran oo uu hoggaaminaayo wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide ayaa ku sugan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo Jimcihii soo gaaray Hargeysa ayaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha ay dawladda Itoobiya ku doonayso inay ku isticmaasho dekedda Berbera oo laga siiyay saami maalgashi oo dhan 19%.

Weftiga oo uu madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa waxay kulamo la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada si loo hirgeliyo qorshaha isticmaalka Itoobiya ee dekedda Berbera.

Dekadda Berbera oo maamulkeeda mudo 30 sano ah lagu wareejiyay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa saami qeybsiga dakhliga waxaa 19% ku leh dowladda Itoobiya oo badeecadaha ugu badan kala soo degi doonta.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

The post Wasiirka gaadiidka Itoobiya oo Hargeysa u yimid qorsho ay Imaaraadka Carabta ku naas nuujineyso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this