Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Federaalka ah oo ka hor yimid wareegto kasoo baxday shariif xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana deegaan doorashadoodu ay tahay gobolka Bakool, ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga soo horjeesteen wareegto uu madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan uu degmo ugu magacaabay deegaanka Yeed ee gobolkaasi.

Kulanka ayaa ahaa mid albaabada u xiran, waxaana xildhibaannadan ay ku andacoonayaan in xilligaan aanay suurtagal ahayn in deegaan laga dhigo degmo, maadaama deegaanno  kale ay iyaguna wax tabanayaan.

Senator Xuseen Sheekh oo goobjoog ka ahaa kulankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in waddo aan sharci ahayn loo maray degmo ka dhigista Yeed.

Waxay sidoo kale sheegeen xildhibaannadan kulmay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya keliya uu deegaan ka dhigo karo degmo.

Halkaan hoose ka akhriso warqad xasaasi ah oo kasoo baxday XIldhibaanadaas

28450256_1996559533952614_1784581618_n.j

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xildhibaanno Federaalka ah oo ka hor yimid wareegto kasoo baxday shariif xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this