Deeq A. Posted February 25, 2018 Saraakiil uu Farmaajo Xilal U Magacaabay Lagu Xidhay Hargeysa Xukumada Kornayl Muuse Biixi ayaa xabsiga dhigtay saddex nin oo la shaqeeya taliyaha socdaalka iyo jinsiyadaha madaxwaynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo u soo magacaabay Somaliland. Ciidanka booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex nin oo Hargeysa kala shaqaynaayay Sarkaalkaa Farmaajo usoo magacaabay laanta socdaalka Iyo jinsiyadaha Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Sheekh Maxamed Isxaaq oo ay isku juffo hoose yihiin madaxwaynaha Somaliland Kornayl Muuse Biixi. Seddaxdaan nin ee Hargeysa ku xidhan ayaa waxaa ka mid ah Khadar Xuseen Axmed oo madax ka ahaa xafiiska Sky Travel Agency oo ku yaalaa badhtamaha suuqa Hargeysa. Ragaan la xidhay ayaa xoggaha warbaahintu heshay tibaxayaan inay si toos ah ugu sameyn jireen Hargeysa baasaboorka Soomaaliya oo si caadiya ah dadka Somaliland ay ugu socdaalaan dunida. Qaran News Quote Share this post Link to post Share on other sites