Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenaydii ugu caansanayd Ballwoodka Hindia Sridevi oo geeriyootay.

Recommended Posts

Deeq A.   

sridevi-759-2.jpg

Xiddigtii caan ka ahayd Ballwoodka Hindia ee Sridevi, ayaa geeriyootay caawo kadib markii uu Wadnuhu istaagay, sidaasina waxaa xaqiijiyay Sanjay Kapoor oo ahaa dumaashigeed.

Sridevi, ayaa ku geeriyootay da’da 54 sano, Waxayna ahayd haweenaydii ugu caansanayd Ballwoodka waddanka Hindia. Waxaa lagusoo waramayaa waqtiga ay dhimanaysay inay la joogeen seygeeda Boney Kapoor iyo gabadheeda Khushi.

Sridevi, waxaa iyada iyo qoyskeeda ay ku sugnaayeen magaalada Dubai, si ay uga qeybgalaan xaflada guurka Mohit Marwah. ” Waa run inay geeriyootay diva Sridevi, hadda ayaan maydkeeda kor joognaa, waxaan ku suganahay Dubai, ayuu wargeyska indianexpress u sheegay Sanjay, isagoo sheegay inuusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin karin waxa dhacay.

Waxay ahayd mid kamid ah hablaha ugu sareeyay jilitaanka aflaanta ee dalka Hinida, waxayna ku guulaystay abaal marino caalami ah, waxay kaloo mudatay biladii afaraad ee ugu sareysay ee lasiiyo qof rayid ah, biladaas oo ay dowladda Hinida guddoonsiisay Aktaradaan.

Filimkeedii ugu dambeeyay ee ay kasoo muuqato wuxuu ahaa filimka MOM, Gabadheeda Janhvi ayaa qarka u saaran inay noqoto qofka ugu horeeya sannadkaan.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this