Sign in to follow this  
Deeq A.

OIC oo bogaadiyay doorashadii Baarlamanka Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Iskaashiga islaamka ee (OIC) ayaa dad weynaha Jamhuuriyadda Djibouti ku hambalyeeyay sida guusha ah ee ay u dhacday doorashadii Baarlamanka dalkaas ee shalay la qabtay.

Xog-hayaha guud ee Ururka Iskaashiga islaamka ,Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay sida ay u qabsoontay doorashada,isagoo xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Djibouti u rajeeyay guul iyo barwaaqo.

Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen wuxuu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid xor iyo xalaal ah oo si hufan u qabsoontay,islamarkaana aysan wax mugdi ah ku jirin

PUNTLAND POST

The post OIC oo bogaadiyay doorashadii Baarlamanka Djibouti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this