Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga xukuma Jabuuti oo ku Guuleysatay Aqlabiyadda Doorashooyinkii Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

19175452_403.jpg?resize=828%2C455Jabuuti (PP) ─ Xisbiga haya talada Jabuuti ee UMP ayaa ku guuleystay doorashadii Baarlamaanka dalkaas ee shalay dhacday, isagoo helay in ka badan 81% codadkii ay shacabka dalkaas dhiibteen.

Xisbiyada kale ayaa dhankooda helay 18%, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Jabuuti, waxaana doorashadan ay noqonaysaa mid ka mid ah doorashooyinka hoggaanka dalkaas.

Xisbiga UMP ayaa mar kale sii Xajistay Aqlabiyada Baarlamaanka, iyadoo cododka ugu badan ka helaan degmooyinka Cali Sabiix, iyo Tajourah. Halka mucaaradkuna ay ka oradyeen degmooyika Carta, Obokh iyo Dikhil.

Balse, Qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay in doorashadau ay tiro dhawr jeer codeeyeen ciidamada millateiga dalkaas, inkastoo ay xukuumaddu beenisay.

Wasaaradda Cadaaladda Jabuuti ahn sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, ayaa sheegay in eedeymaha kasoo yeeray Mucaaradka ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isagoo sheegay in ruux walba oo reer Jabuuti ah uu xaq u lahaa inuu mar keliya codeeyo, iyaguna ay mar qura codeeyeen.

“Waa laga wanaagsan yahay in ciidamada la eedeeyo, ciidamadu sida uu sharcigu qabo waxay codeeyeen mar qura, mana jirto askar ku laabatay inay marar kale codeeyaan, ciidankuna waa kuwii aan dartood ku hurdaynay,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka cadaaladda Jabuuti isla markaana ah sii haya xilka wasiirka arrimaha gudaha.

Ugu dambeyn, Xisbiga ugu weyn isbaheysiga mucaaradka Jabuuti ee MRD, ayaa horay u Qaadacay Doorashadaan, iyagoo shaki geliyay Xalaalnimada hanaanka doorashada Jabuuti.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga xukuma Jabuuti oo ku Guuleysatay Aqlabiyadda Doorashooyinkii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this