Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa gaartay 30 ruux.

Qaraxyadaan oo loo adeegsaday gawaarida laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa oo ay ka dambeeyeen  rasaas aad u xoog badan.

Maamulka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee xalay ilaa saaka la geeyay Isbitaalkaas.

Madaxa Caafimaadka Isbitaal Madiina C/Qaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in meydadka 29 Qof oo labo ka mid ah ay Isbitaalka ku dhinteen la geeyay halka dhaawaca hadda ku jira uu gaarayo 11 Qof.

Dhimashadan waxaa ay ka duwan tahay tii horay loo shaaciyay oo ahayd 20 qof oo dhimasho ah,iyada oo Isbitaallada kale ee Magaalada Muqdishana la geeyay tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saaka ayey ahayd markii Meydadka ilaa shan qof lagu arkay agagaarka Isgyoska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ahayd meesha uu ka billowday dagaalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyay Ilaalada Madaxtooyada iyo ciidamadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay ku tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT.

Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, Rayid, Askar iyo xoogag ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this