Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo war rasmi ah kasoo saartay qaraxyadii iyo weeraradii Xalay Muqdisho ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysey Weerarradii ugu danbeeyay xalay ka dhacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi.

“Turkigu wuxuu sii wadayaa wadashaqeyntiisa adag ee kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya marka la eego weerarrada argagixisada ee lagu beegsanayo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga.

Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid maalin uun kaddib markii ay gollaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ka digeen weerarro laga yaabo in ay ka dhacaan caasimada.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka iyaga oo sheegay in ay qaateen xoogag iyaga ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dowladda Turkiga oo war rasmi ah kasoo saartay qaraxyadii iyo weeraradii Xalay Muqdisho ka dhacay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this