Sign in to follow this  
Deeq A.

TaliskaTaraafikada Puntland oo shaaciyay cida iska lahayd masuuliyada shilkii ka dhacay gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska nabad galyada wadooyinka Puntland ayaa soo gabagabeeyay baaritaan qaatay 24 saac oo y ku eegayeen masuuliyadda shil geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo shalay subax ka dhacay inta udhexeysa magaalada Garowe iyo tuulada Falaryaale ee gobolka Sool.

Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay 4 qof halka 7 kale ay ku dhawacmeen, waxaa sidoo kale ku burburay gaari Bas ah oo ay lahayd shirkada safarada Dalmar City.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in taliska ciidanka Taraafikada uu masuuliyadda shilkaas dusha uga tuuray mid kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland oo ay isku dhaceen gaariga Baska ah, waxayna sheegeen in gaariga ciidanku uu si qalad ah usoo galay Seedka uu lahaa gaariga kale.

Wuxuu ahaa mid kamid ah shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaano oo kamid ah meelaha ugu badan ee shilalku ka dhacaan.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this