Sign in to follow this  
Deeq A.

Dharkii Booliska oo ay Al-Shabaab xalay soo xirteen oo sababay dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo ….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Isgoyka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo seybiyaano.

Ciidamada dagaalamay ayaa ah ciidamo Booliis ah iyo kuwa Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas la sheegay in dagaalkooda uu ka danbeyo kadib markii labada ciidan uu soo kala dhax galay is fahmiwaa kaas oo sababtay in ay isrisaaseeyaan ciidamadaasi.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal oo la hadlay KNN ayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ku sheegeen sedax Askari Booliis ah, majiraan warar intaas dhaafsiisan oo sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.

Saraakiisha ciidamadaan dagaalamay oo aan la xariirnay ayaa inoo suura gali wayday in aan helno si ay noogu  xaqiijiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo waxa dhaliyayba.

Ilaa iyo hadda majirto cid ka hadashay dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamadaan kawada tirsan Dowlada Soomaaliya.

Waxaana hadda dagan goobihii dagaalka uu ka dhacay oo muddo daqiiqado ah ha kad gilisay ganacsiga iyo isu socodka dadka gaadiidkaba.

Waxaa la aaminsan yahay inuu dagaalka sababay dareeskii ay Shabaab xalay soo xirteen markii ay weerarada fulinayeen oo ahaa kuwa Booliska ah, waxaana weli taagan shaki ku aadan inay Shabaab mar kale sidaas sameeyaan;

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dharkii Booliska oo ay Al-Shabaab xalay soo xirteen oo sababay dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo …. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this