Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaalin noocee ah ayey ciidamada dowladda ka qaateen in la fashiliyo weeraradii Xalay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Xalay fashilmay weerar qorsheysan oo ay Shabaab kusoo qaadeen Jidadka hormaro Madaxtooyada Villa Somalia iyo Isgoyska Jubba.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in Ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Sayidka iyo agagaarka Madaxtooyada ay si weyn u fashiliyeen Kooxdii ka tirsaneyd Shabaab oo weerarka soo qaaday kuwaas oo doonayey inay weeraradaan Xarunta madaxtooyada.

Dabley hubeysan oo saarneyd gaari ayaa ka soo gudbay koontaroolka Sayidka, halkaasoo ay ku dileen askari ku jiray hubinta gaadiidka mara wadadaas, waxaana kaddib gaariga uu u soo dhaqaaqay wadada hormarta Taaladii Dhagaxtuur iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo dabley hubeysan ay uga dageen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee ku sugnaa Koontaroolka dhanka Hotel SYL ayaa rasaas ku furay gaariga, kadibna qarxay, waxaana markii dambe is rasaaseyn ay ka bilaabatay inta u dhaxeysa Taalada Dhagaxtuur iyo dhabarka dambe ee Hotel Siyaad.

Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in qorshahooda ahaa inay Madaxtooyada ka weeraraan dhanka Albaabka xiga Hotel SYL, inkastoo aanay u suura gelin oo iska caabin adag kala kulmeen Ilaaladii ku sugneyd.

Is rasaaseyn oo muddo socotay ayaa Ciidamada ammaanka waxay ku toogteen illaa afar dabley hubeysan oo xirneyd dhar loo ekeysiiyay dareyska Ciidamada Booliska.

Maxamed Nuur Xuseen oo ah aqoonyahan dhanka Ciidamada ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay tahay in ciidamada dowladda lagu amaano tallaabada wanaagsan oo ay kaga hortageyn ciidamadii doonayey inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

” Waxaa muuqato inay Ciidamada dowladda tallaabo wanaagsan qaadeyn, waxay si geysinimo leh u muujiyeen inay yihiin ciidamo u taagan badbaadinta shacabkooda” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay abaalmariso ciidamadii ka hor tagay falkaas, si gaar ahna wuxuu ku taliyey inay dowladda kafaalo qaado qoyskii uu ka geeriyooday Labo Alifle Bishaar oo ah askari ku geeriyooday weerarkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

The post Kaalin noocee ah ayey ciidamada dowladda ka qaateen in la fashiliyo weeraradii Xalay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this