Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab ” Qaar kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay dib ugusoo laabteen”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan ka dhashay khasaaro xoogan.

War laga baahiyay Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid isku xirnaa ayna fuliyeen rag hubeesan oo kooxdaasi katirsanaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 35-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar .

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka ka geestay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo nool dib uga soo laabteen aagaasi kadib dagaal ay la galeen ilaalada Madaxtooyada.

“Ugu yaraan 35 kamid ah saraakiisha murtadiinta ayaa ku dhintay howlgalkii aadka u xooganaa ee xalay mujaahidiintu ka fuliyeen xarumaha Madaxtooyada iyo Nabad sugidda Kooxda Ridada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in  qaar kamid ah dagaalyahannadii weerarka Fuliyay ay dib uga laabteen goobta  “Qaar Kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay goobta dagaalka dib ugasoo laabteen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ee laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ayaan lagu sheegin tirada ragii weerarka fuliyay iyo sidoo kale dagaalyahanada weerarkaasi ka bad baaday ee dib uga laabtay aagii lagu dagaalamay.

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sheegtay in dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka geestay ay gaarayeen ilaa shan nin lana dilay dhamaantood, waxaana dowlada soo bandhigtay qaar kamid ah meydadka ragaasi la dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay dishay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, mana jirto warar madax banaan oo ku saabsan arrintaan iyo waxa ka jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

The post Al Shabaab ” Qaar kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay dib ugusoo laabteen”. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this