Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Qaraxyada & Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho oo kordhay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo eeryada xarunta weyn ee Hay’adda Nabadsugida Somalia.

Maleeshiya hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday wadada u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Hotelka SYL, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Villa Somalia.

Weerarka inta uu socday ayaa waxa dhacday 2 qarax, midka koowaad ayaa ka dhacay Taalada Dhagaxtuur, halka kan kalena uu dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan Hotelka Dorbin oo dhinaca ku haya xarunta weyn ee NISA.

Qaraxyada iyo Dagaalka ku dhawaad qaatay saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhimashada ayaa iminka mareysa 22 qof, halka dhaawacana uu gaaray 24 ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah.

Mid kamid ah Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Saqdii dhexe ee xalay lasoo gaarsiiyay dhaawacyo ay rasaasta ugu tagtay goobahooda Ganacsi.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka inta uu dagaalka socday ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray.

Sidoo kale, waxaa xalay ilaa Saaka xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho,gaar ahaan goobaha ay weeraradu ka dhaceen.

Dadka shacabka ah qaarkood ayaanay xalay u suuragelin in guryahooda u soo hoydaan, maadaama ay joogeen goobaha loo dalxiistago, wadooyinkana ay ku xirmeen oo ay waayeen meelo ay soo maraan.

Dhinaca kale, waxaa weli jira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro kale ka geystaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Khasaaraha Qaraxyada & Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho oo kordhay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this