Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay Qaraxyadii dhacay kan ugu khasaaraha badnaa ee dhimashada ugu badan geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Tiro kabadan 24 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxyada iyo dagaalkii ka dhacay agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo rasaas ku bilaaway ciidamada Koofi casta ee ka howlgala Taalada dhagaxtuur oo ku taalla wadada Sayidka, waxaana halkaasi ay kala kulmeen iska cabin.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo booqday dhaawacydii xalay ayaa sheegay inay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay.

Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyay in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxii ka dhacay agagaarka xarunta weyn ee NISA, gaar ahaan afafka hore ee Hotelka Dorbin.

‘’Waxaan qireynaa in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgooska Jubba, waxaana ku dhamaaday dhalinyaro ka imaaday liido oo hoyaad u ahaa guryahooda’’

Waxa uu Wasiirka sheegay in khasaaraha ugu badan ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay afafka hore ee Hoteel Dorbin uu dhacay xili halkaasi ay marayeen dadweyne u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u jimceystay Xeebta Liido, xilligaasina soo hoyanayay.

Waxa uu intaa ku daray in dadka ku dhamaaday ay u badnaayen dhalinyaro kasoo laabatay kubad iyo badda, waxa uuna cod dheer ku sheegay Wasiirka in Ciidamada ammaanka aysan marnaba ka niyad jabi doonin weerarada Shabaab.

Waxa uu intaa kusii daray Wasiirka in dhaawacyada daran loo qaadi doono dalka dibadiisa, wuxuuna carab ***** inay soo arkeen dhaawacyo aad u liita oo u baahan caafimaad dibada ah.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiyaan wararkooda ku sheegay in dhalinyaro iyaga daacad u ahaa ay fuliyeen weeraradii ka kala dhacay Sayidka iyo Jubba.

Maleeshiyadu waxa ay sheegeen inay beegsadeen meel ku dhow Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin oo ay ku tilmaameen goobo muhiim u ah.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa inta badan beegsada goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyagoo qasdigooda uu yahay koror ku imaada khasaaraha markaasi ay geystaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay Qaraxyadii dhacay kan ugu khasaaraha badnaa ee dhimashada ugu badan geystay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this