Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarka Saddexda Jiho & Saddexda Qarax ee Alshabaab: Warbixin ku saabsan sidii Alshabaab u qorsheysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Alshabaab ayaa muddo 30 daqiiqadood ah ka fuliyey Muqdisho saddex qarax iyo weerar toos ah oo bartilmaameedkiisu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa lagu soo beegay xilli Maqrib ah oo salaad lagu jiro, sida ay u badan yihiin weerarrada Alshabaab, laakiin waxaa xusid mudan in weerarkii shalay aanu ku bilaaban qarax, bale ay dhacday in ciidamo lugta ah oo Alshabaab ka tirsan weerar toos ah ku qaadaan Dhagaxtuur iyo dhismooyin u dhow Iridka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay KM 0, afaafka hore ee Hotelka cusub ee Doorbin oo dhinaca ku haya xarunta dhexe ee NISA, halkaasoo qasaaraha ugu badani ka dhacay, iyadoo gaari is-miidaamin ah uu dad gaaraya 20 qof ku laayey halkaasi, kuwaasoo u badnaa istaaf iyo ciidamada dowladda.

Qaraxii labaad ayaa ka dhacay iridka laga galo Madaxtooyada ee u dhow Hotelka SYL, halkaasoo ay dhinaca kale ka socotay Rasaas xoog leh oo dhex mareysa maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada, iyadoo markaas kadibna uu qarax kale ka dhacay Taallada Sayidka oo ay taallo jidgooyo ay ciidamada ka ilaaliyaan madaxtooyada Soomaaliya.

Ciiiamada madaxtooyada ayaa dilay afar ka mida dableydii weerarka soo qaaday oo ku lebisnaa dareyska cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana magaalada oo dhan saameyn ku yeeshay rasaasta socota, kadib markii ay ciidmada dowladda xireen isu socodkii magaalada oo dhan.

Qasaaraha weerarkii Alshabaab ee saddexda jiho ayaa sare u dhaafay 30 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan, iyadoo ay jirto dhimashada kale ee dableyda Alshabaab oo ahaa lix maleeshiyo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in meydadka shan qof lagu arkay inta udhaxeysa Isgosyka Sayidka iyo Taalada Dhagaxtuur oo dagaal ku dhex maray labada dhinac.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu qaraxyo badnaa ee mar qura loo adeegsado saddex gaari oo miineysan, waxaana ka sokow qasaaraha faraha badan ee ka dhashay ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay ka hortagaan maleeshiyadii Alshabaa, inkastoo in weerar heerkaas gaarsiisan uu ahaa fashil weyn oo dhinaca amniga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Weerarka Saddexda Jiho & Saddexda Qarax ee Alshabaab: Warbixin ku saabsan sidii Alshabaab u qorsheysay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this