Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Garowe oo galaya safar ku salaysan raadinta Dab damis caasimaddu yeelato.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Duqa degmada Garowe ee caasimadda Puntland, Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) ayaa lagu wadaa inuu galo safar uu ugu ambo baxayo magaalada Dubai ee xarunta isku taga Imaaraatka Carabta, sida uu warsidaha Puntlandi wararka ku helayo.

Safarkaan oo la filayo inuu ahaado maanta ama berrito, ayaa la xiriira sidii uu Duqa caasimaddu u heli lahaa Dab damisyo badan oo ay yeelato magaalada Garowe, kadib casharkii dhawaan laga bartay Dabkii Garowe ka kacay ee geystay khasaaraha nafeed iyo midka Hantiyeed.

Xasan Goodir ayaa doonaya inuu arrinta helitaanka Dab damiska la kaashado jaaliyadda reer Puntland ee dalka Imaaraatka ku dhaqan, kuwaas ballanqaday inay kaalinta mug leh ka qaadandoonaan in caasimadda loosoo iibiyo Dab damis.

Xildhibaano katirsan golaha degaanka Garowe oo la hadlay Puntlandi ayaa ka codsaday ganacsatada Puntland inaysan dowladda kaigeed ku halaynin in iyadu qabato wax walba, iyagoo u sheegay in looga baahan yahay inay dowladda ku biiriyaan taageeradadooda dhaqaale, si looga gudbo caqabadaha soo noqnoqday ee Dab damisku ugu horeeyo.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this