Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Degmada Caluula Oo Markii ugu horaysay laga dhagax dhigay Bangi

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi balaaran oo ka socday dowladda Puntland isugan jiray Wasiiro iyo Xildhibaano  ayaa gaaray  Degmada Caluula ee Gobolka Garda Fuu.

Ujeedada ay utageen Wafdigan Degmada Caluula ayaa ahayd in ay xariga ka jaraan dhismaha Bangi dhawaan laga hirgaliyay degmada oo ay dhismihiisa iska kaa shadeen Dowladda Puntland iyo shacabka Degmada , laguna dhisay halku dhigii Madaxweyne gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato.

Dhismaha Bangigan ayaa waxaa ku baxay lacag gaaraysa 48 kun oo doolar, wuxuuna dhismihiisa uu socday mudo ku siman sadax sano .

Waa markii ugu horaysay Bangi dowli ah laga hirgaliyo  degmada Caluula ee Gobolka Garda Fuu .

Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxmuud Axmed Caynab Busul ayaa  Puntlandi uga waramay sida uu kuyimid dhismaha Bangigan .

Halkan hoose ka dhagayso.

      Caynab

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this