Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqo abuur loo sameynayo maxaabiistii lagasoo daayay xabsiyada Jigjiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

cafis4-503x300.jpg

Jigjiga (Puntlandi) Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa aheegay maxaabiistii uu cafiska ufidiyay ee lagasoo daayay xabsiyada Jigjiga in loo samayndoono shaqo abuur ku salaysan xirfadihii ay barteen mudadii ay ku jireen xarumaha dhaqantoosinta deegaanka.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Odayaal dhaqameedka deegaanka, kuwaas oo horey uga codsaday in lasoo daayo maxaabiistii ku xir xiran dowlad degaanka si ay xoriyadooda u helaan.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay oo gaarayay 1500 maxbuus, ayaa isugu jiray nabadiid katirsanaa ONLF iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen ayuu madaxweynuhu cafis guud ufidiyay.

Odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa sidoo kale dowladda dhexe ee federalka Ethiopia ka codsaday in maxaabiista deegaanka Soomalida ee u xidhan heer faderaal  lasiidaayo dambi kasta oo ay uxiran yihiin, maadaama  oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee kadambi badnaa lasiidaayay.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this