Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeem labo qarax iyo weerar toos ah caasimadda Soomaalida ee Muqdisho, Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow waxaa uu goor dhow sheegay in la soo afjaray howlgal looga hortagay maleyshiyaad weerar iyo qaraxyo ka geystay magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay inta uu howlgalka socday inay ciidammada amniga toogasho ku dileen illaa shan dagaalame oo ka tirsan kooxdii weerarka geystay.

Wasiir Isloow wuxuu caddeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo weerarka inay dib ka soo sheegi doonan, weerarka ayaa ku bilowday qarax koowaad oo ka dhacay Barkinkga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT, sidoo kale Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidammadu ku leeyihiin Sayidka, ciidamada ayaa waxaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday ugu yaraan saddex dagaalame ,iyadoo daqiiqado kaddib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay mas’uul ka yihiin weerarka ka dhacay caasimadda Muqdisho, waxaana qaraxyadan ay ku soo beegmeen, xilli shalay Wasiirka Amniga uu digniin ka soo saaray gaadiid qaraxyo inay ku jiraan Muqdisho.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this