Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Haweenka Xaamilada ah ee ku nool Degmada Qandala Oo aan haysan Goobo Caafimaad Oo lagu baxnaaniyo una sii dheertahay Abaar iyo Biyo laan

Recommended Posts

Deeq A.   

Shacabka ku dhaqan degmada  Qandala ee gobolka bari  oo maanta lahadlay Warsidaha Puntlandi ayaa sheegay in xaalada guud ee Degmada ay  ku jirto jawi adag oo Abaareed ,dadka magaaladana ayaa Noloshoodana waxa ay ku xirneed  xoolaha iyo kaluunka, kuwaas oo hada Gobaabsi noqday

Dhanka kale degmada ayaa waxaa  soo gaaray qoysas reer miyi ah oo  Abaarta ka jirta qaybo ka mid ah degmada ay saamaysay ,kuwaas oo Magaalada soo maciin biday .

Faarax Maxamed Xuseen oo kamid ah wax garadka degmada Qandala ee gobolka bari ayaa sheegay in  Ceelashii Magaalada ee ay dadku  ka cabi jireen  biyaha ay xumaadeen ,dowladdana ay ka sugayaan in ay arintan wax ka qabato.

Waxa uu sheegay in degmada aysan lahan adeeg yadii bulshada sida Caafimaadka iyadoo uu sheegay in haween xaamilada ah  xiliga dhalmada marka ay gaaraan  loo soo qaado magaalada Bosaaso oo qiyaastii ujirta Qandala 75 kmtr.

Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhamaadkii Sanadkii tagay waxa ay sheegtay in deegaanada ka baxsan laamiga ee gaari waaga loo yaan ay gaarsiin doonto  Barnaamijka baxnaaninta Hooyada iyo dhalaanka.

Halkan Hoose ka dhagayso.

      Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this