Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Maamulka Galmudug Oo Howlgal lagu Bur burinayo Guryo iyo Wadooyin ka bilaabay Degmada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladd goboleedka galmudug ayaa bilaabay howlgalo ay ku bur bu rinayaan dhismayaal iyo wadooyin sharci daro ah oo ka dhisnaa Degmada Hobyo ee gobolka mudug sida uu maamulka sheegay.

Duqa degmada Hobyo C/laahi  Axmed faad ayaa sheegay in sababta ay howlgalkan bur bur burinta guryaha sharcidarada ah  ubilaabeen ay tahay in bilicda Magaalada lahagaajiyo oo ay Magaalada noqoto meel qaab dhismeed keeda uu yahay mid caalami ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Hobyo oo horay loo hagraday ay doonayaan in ay noqoto magaalo loo soo dalxiistago .

Taliyaha qaybta Booliska gobolka mudug ee dhanka Gal mudug Maxamed Nuur Cali  oo isna Warbaahinta lahadlay ayaa udigay dadka ka soo hor jeeda  bilicda magaalada Hobyo, waxa uu sheegay in Ciidamada ay talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan dadka ka hor yimaada howlgalka .

Maxamed Cali Guure oo kamid ahaa dadkii laga dumiyay gur uu ku lahaa Magaalada Hobyo ayaa sheegay in gurigiisa si sharci daro ah looga bur buriyay iyadoo aan lagala tashan  maamulka iyo golaha deegaanka .

Holgalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga fuliyo degmada Hobyo tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxwenaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu dhagax dhigay Dekeda Magaalada Hobyo.

 

Hadaba halkan hoose ka dhagayso Codaadka.

      Codadka hobyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this