Sign in to follow this  
Deeq A.

1,500 Oo Maxbuux Oo laga Siidaayay Xabsiyada Dowladd deegaanka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud ayaa Maanta cafis Madaxweyne ku soo daayay Maxaabiis Soomaaliyeed oo mudo dhowr iyo labaatan sano ku xirneed dowladd deegaanka Itoobiya.

Maxaabiistan uu cafiska ufidiyay Madaxweyne Cabdi Maxamuud ayaa gaaraysay 1,500 Qof oo intooda badan ay ahaayeen Jabhadda hubaysan ee Mucaaradka ah ee ONLF .

Madaxweyne Cabdi Maxamed ayaa Yiri “Maxaabiis badan ayay Xukuumadu  cafisay, qaar baa waqtigoodii u dhamaaday, qaar kalena waxa ay ka tirsanaayeen ururka Nabad Diidka ah , shaqo abuur ayaa loo sameynayaa, sanadkata waan sii deynaa Maxaabiista.” Ayuu yir Madaxweyne Cabdi Maxamuud.

 

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii dalka Itoobiya laga siiyaadayay Maxaabiis farabadan oo ku xirnayd Magaalada Addis-Ababa ee Caasimada dalkaasi uuna iscasilay Ra’iisul Wasaarihii dal kaasi, kadib markii Caasimada mudo dhowr bilood ah ay ka socdeen Mudaaharaadyo looga soo horjeeday xukuumada oo cadaadis ku haysay qoomiyadaha kale ee dalkaasi Itoobiya ku nool .

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this