Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhagayso:- Dalka Jabuuti Oo Maanta ay ka socto Doorashada Baarlamaanka iyo Mucaaradka Oo Xooga Saaray Magaalada Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Jabuuti maanta waxaa ka socota doorashada Baarlamaanka dalkaasi ,waxaana loo tartamayaa ilaa iyo 65 kursi .

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya xisbiyada mucaaradka iyo Muxaafidka, waxayna musharaxiita labada dhinac ay gaarayaan 65 Musharax .

Codbixinta ayaa ka dhici doonto ilaa iyo 296 goobood oo magaalada Jabuuti ah oo kaliya  iyo degmooyinka hoos yimaada.

Doorashada ayaa lasheegay in ay korjoogto kayihiin xubno sare oo beesha caalamka ka socda.

Mucaaradka dalkaasi Jabuuti ee USN lana tartamaya xisbiga muxaafidka  ayaa  kuraastooda xooga ku saaray magaalada Jabuuti, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay in aysan taageero buuxda kulahayn degmooyinka kale.

Hoos ka dhagayso gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dalkaasi Jabuuti  Diine Maxamed Burhaan oo kawaramaya qaabta ay doorashada maanta usocto.

      Diini Maxamed burhaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this