Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Djibouti oo gebi ahaanba ka baxday heshiiskii shirkadda DP World.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Djibouti ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiis ay la gashay Dubai DP World oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya dekadaha caalamka,sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska madaxweynaha Khamiisti maanta.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa in shirkadda Dubai DP World ay maamusho dekedda Dooraale ee dalka Djibouti,balse qoraalka maanta ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Djibouti oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa lagu yiri”Jamhuuriyadda Djibouti waxay go’aansatay in ay joojiso sii wadidda hal dhinac oo saameyn degdeg ah ku leh qandaraaska la siiyay DP World”.

Dhinaca kale shirkadda DP World ayaa sharci-darro ku tilmaantay tallaabada ay qaadday dowladda Djibouti ee kaga baxday heshiiska””Waxaan dalbaneynaa in xukuumadda Djibouti ay joojiso dhaqankeeda sharci-darrada ah ayna sii waddo heshiiska,“ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkadda.

Laakiin DP World ayaa sheegaysa in ka bixitaanka dowladda Djibouti ee heshiiskaan uusan saameyn dhaqaale ku yeelan doonin shirkadda.

Dowladda Djibouti heshiiskan oo soconaya muddo 50 sano ah horay ula gashay shirkadda DP World ,balse sannadkii 2012 ayaa muran ka dhex abuurmay labada dhinac,xilligaasoo xukuumadda Djibouti ay sed-bursiinyo ku eedaysay shirkadda,islamarkaana ay shaacisay in ay heshiiska ka baxayso.

Dowladda Djibouti ayaa horay dacwad ka dhan ah shirkadda DP World u gudbisay maxkamad ku taalla magaalada London,laakiin maxkamadda ayaa ka beri’yeeshay dhammaan eedaymihi Djibouti u jeedisay shirkaddaasi.

Go’aanka haatan ka soo baxay madaxweynaha Djibouti ayaa lagu sheegay in heshiiska la soo afjaray,kadib markii lagu fashilmay xallinta khilaaf muddo u dhexeeyay labada oo soo bilowday sannadkii 2012.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Djibouti oo gebi ahaanba ka baxday heshiiskii shirkadda DP World. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this