Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso)Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka Asluubta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

General Cali Nuur Cumar, Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland ayaa hambalyo u diray qaybaha kala duwan ee Ciidanka Asluubta 48 guuradii kasoo wareegatay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

“Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  Gaar ahaan Puntland, iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.

48-kii Sana ee uu soo jiray Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan, iyadoo wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ah xilligii ay meesha ka baxday Dowladdii Milliterigana uu talisku marayo heerkii ugu tayada wacnaa.

Halkaan Hoose Ka Dhegeyso.

      Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur Cumar

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this