Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee garoonka diyaaradaha Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimadda Online) – Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaay in degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamo Itoobiyaan ah  iyo Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Degmada baardheere ee Gobolkaas Gedo.

Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerartay saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana dagaalka uu qaatay saacado.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen garoonka diyaaradaha, balse ciidamada Itoobiya ayaa iska difaacay weerarka, waxaana labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.

Dadka ku nool Baardheere ayaa sheegaya inay maqlayeen madaafiicda iyo qoryaha noocyadooda kala duwan oo la isu adeegsanayay, inkastoo garoonka diyaaradaha uu ku yaallo meel banaanka ka ah Baardheere, ma jirto khasaare dadka rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxeysa dagaalkaasi, marka laga reebo Al-shabaab oo baraha warkooda ay ku faafiyaan ku soo qoray in dagaalkaas ay guula ka gaareen, dhanka saraakiisha ciidamada la weeraray ee Itoobiya ayaa ka hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray dhankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee garoonka diyaaradaha Baardheere appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this