Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay inta udhexeysa Garowe iyo Tukaraq.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka uu ka helayo warsidaha Puntlandi tuulada Falariyaale oo qiyaastii ku dhowaad 60 km u jirta magaalada Garowe, ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan, labo qof ayaa shilkaan ku geeriyooda halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo lasoo gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Gariwe.

Mid kamid ah dadka shilkaan ku geeriyooday oo lagu magacaabo Jaamac Maxamuud Maxamed loona yaqaanay (Carwo Qudhaab), ayaa ahaa ganacsade caanka ahaa magaalada Garowe, isagoo  ahaa wareejin jiray miraha la cuno ee dalka kasoo baxo, sida Hohobta iyo Sabiibka.

Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay magaalada Garowe, isagoo lagu xasuusto in uu ahaa ganacsade leh hal-abuur bulshaduna ay jeclahayd islamarkaana muddo kooban kusoo caan baxay.

Capture-3-405x300.jpg

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this