Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo dilay saddex xubnood oo Shabab katirsan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar duqayn ah oo ka dhan kooxda xagjirka ah ee Alshabab, waxayna ku dileen saddex xubnood.

Weerarkaan oo ka dhacay meel ku dhow degmada Jilibka ee gobolka Jubada dhexe , ayuu Maraykanku sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka.

Maraykanka ayaa weeraro badan oo duqayn ah ka geystay Soomaaliya, kuwaas oo lagu taageerayo dowladda federalka.

Inta ugu badan weeraradaan ayaa lala batilmaameesaday Alshabab, balse waxaa jira tiro weeraro ah oo lagu qaaday kooxda Daacish ee farriisinka ku leh dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Inka badan 30 weerar ayuu Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sannadkii tagay ee 2017, kadib markii madaxweyne Trump uu balaariyay howlgalka milatari ee ka dhanka ah Alshabab.
Balse Maraykanka ayaa sannadkaan bilowga ah qaaday afar weerar.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this