Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 1400 oo laga siidaayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

a.jpg?resize=479%2C320

Dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia,ayaa saaka Xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ka sii daysay in ka badan 1400 oo mabaaxiis ka tirsan Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF.

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan wada-hadal la gashay Jabhaddaasi oo muddo dheer dagaal ka waday dowlad-degaanka Soomaalida,waxaana wada-xaajoodka ku jiray dalab ka yimid Jabhadda ONLF oo ku aaddanaa in la siidaayo maxaabiista ka xiran ee ku jira xabsiyada Ethiopia.

Maxaabiista haatan ay sii daysay dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sida wararku sheegayan waxaa ku jira qaar sannado badan xirnaa,taasoo loo arko tallaabo lagu kasbanayo Jabhadda,si ay miro-dhal u noqdaan wada-hadalada bambe ee loo ballamay.

c.jpg?resize=732%2C247

 

The post In ka badan 1400 oo laga siidaayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this