Sign in to follow this  
Deeq A.

Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka gaysteen Soomaaliya ay ku dileen saddex ka tirsan Xagjiriinta Al-shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo Isniintii ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe aan wax rayid ah khasaare ka soo gaarin.

Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika faahfaahin kale kama bixin weerarka,balse duqeynta ayaa noqonaysa tii afraad ee Maraykanku ka geystay Somaliya sannadkaan gudihiisa.

PUNTLAND POST

The post Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this