Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis ufidiyay 1500 maxaabiis ah.

Recommended Posts

Deeq A.   
28058673_890230261150742_426653699959891

Maxaabiista la fasaxay.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa cafis ufidiyay in kabadan 1500 oo maxaabiis dhaqancelin ugu jirtay xarunta dhexe ee dhaqan toosinta DDSI kuwaas oo isugu jiray nabadiid iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen islamarkaana uu gudigu hordhigay madaxwaynaha DDSI. Sidaasna uu madaxwaynuhuna qalinka ugu duugay.

Dhinaca kale maxaabiista heer federal ku xidhan waxay isugu jiraan laba qaybood:-

  1. Kuwo ay maxkamadaha heer deegaan xukumeen oo adaraa ahaan loo geeyay heer federal cafiskooduna uu ku xidhan yahay gudiga cafiska heer deegaan iyo kuwo ay maxkamadaha federaalku xumukeen oo kuxidhan heer federaal.

Sidaadarteed, xukuumada deegaanku waxay ka codsatay heer federaal in maadaama  oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee ka dambi badnaa lasiidaayay sidoo kalena in maxaabiista Soomaalida ah lasiidaayo dambi kasta oo ay u xidhan yihiin.

Ugudambayntii waxaa xusid mudan in aysan talaabadani ahayn tii koobaad, labaad, sadexaad… iyo tii ugu dambaysaytoona ee waa mid looga bartay islamarkaana dhaqan u ah xukuumada DDSI inay cafis ufidiso maxaabiis badan.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this