Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka oo diiday canshuurta iibka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuurta iibka ee ay xilligan Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiyada ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuurt iibka ee 5%,waxaana ay ku talo bixiyeen in aan la dhaqan gelin karin go’aanka wasiirka Wasaaradda maaliyadda ee ah bixinta lacagtaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa wasaaradda ka dalbaday inay horkeento Baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30 bisha April, waxaa kaloo labada Guddi ku wargeliyeen Wasaaradda Maaliyadda in canshuur aanay soo marin Baarlamaanka aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda.

Guddiiyada ayaa war-saxaafadeedkooda ku dalbaday in shuruucda canshuurta oo tafaftiran ay golaha baarlamaanka horkeeno maalinta Bisha April tahay 30.

Sidoo kale Guddiyada ayaa amar ku bixiyay in wasaaradda Maaliyadda  aanay qaadi karin canshuur aysan marsiin baarlamaanka Soomaaliya.

20180221_152634-696x893.png?resize=696%2

20180221_152652-696x894.png?resize=696%2

The post Akhriso: Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka oo diiday canshuurta iibka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this