Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Gaas ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Dawladda Hoose, xarunta denbi-baadhista iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.

Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garowe xilli ay ka socotey shaqada maalinlaha ah ee ay qabato dawladda hoose, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay duqa dagmada Garoowe iyo xoghayaha Dawladda Hoose, kadibna  xog waraysi kala yeeshay sida ay ugu shaqeeyan bulshada iyo dadka kayimada Goblada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo magalada Garoowe u yimaada si ay u sameestaan Baasaboorada iyo dhalashada Soomaaliya.

Xilligii madaxweynaha Dawlladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Dawladda Hoose ee Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, kuwaasi oo salaan guud iyo  is xog waraysi kadib uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha Dawaladda hoose ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka,  isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah.

Dhinaca kale  Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarumaha denbi baadhista (CID) iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla marhaantaa waxaa uu madaxweynhu ka xog wareesata sida ay shaqdu u socoto, kadibna  kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada Waqooyi Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, kuwaas oo Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin.

Ugu danbeen Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku tagay safaarada Ethopia waxaana halkaas ku soo dhaweeyey  Qunsulka safaarada Ethiopia Ambasador Esmalash, iyada oo booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dawllada Ethiopia ufadhiya Puntland.

IMG_9343.jpg IMG_9352.jpg IMG_9361-2.jpg IMG_9361.jpg IMG_9364.jpg IMG_9368.jpg IMG_9386.jpg IMG_9398.jpg IMG_9401.jpg IMG_9412.jpg IMG_9424.jpg IMG_9433.jpg IMG_9447.jpg IMG_9453.jpg IMG_9461.jpg IMG_9469.jpg IMG_9497.jpg IMG_9516.jpg IMG_9521.jpg IMG_9529.jpg IMG_9553.jpg IMG_9555.jpg IMG_9571.jpg IMG_9585.jpg IMG_9588.jpg IMG_9590.jpg IMG_9592.jpg IMG_9599.jpg IMG_9603.jpg IMG_9615.jpg IMG_9636.jpg IMG_9650.jpg IMG_9653.jpg IMG_9665.jpg IMG_9696.jpg IMG_9709.jpg IMG_9713.jpg IMG_9736.jpg IMG_9746.jpg IMG_9753.jpg IMG_9759.jpg IMG_9298.jpg IMG_9327.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this