Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho qaarkood oo faah faahin laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)— Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa la dhigay wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo laga mamnuucay inay isticmaalaan gaadiidka.

Wadooyinka la xiray gelinkii danbe ee Tallaadadii ayaa waxaa ka mid ah wadada dheer ee Maka Mukarama oo laga xray isgoyska Banaadir, Km4, wadada aada garoonka diyaaradaha iyo mida aada Afasiyooni.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xirnaanshaha wadooyinkaan ay kusoo beegantay xili aroornimada Arbacada ee maanta la sugaayo wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisul wasaare kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho imaanaya.

Wadooyinka xiran ee Muqdisho ayaa ah kuwa haawanaya, waxa kaliya ee isticmaalayana ay yihiin gaadiidka ciidamada iyo madaxda dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Moqdisho
Caasimada@live.com

The post Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho qaarkood oo faah faahin laga helay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this