Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin kasoo baxeysa Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo habeenimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo loogu xiray Askari ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia.

Qaraxa oo la xaqiijiyay inuu ahaa mid aad u xoogan ayaa dhacay marka uu Askarigaasi ka degay gaariga.

Qaraxa ayaa Gaariga ku haleelay afafka hore ee ‘’The Village Hotel’’ oo ku yaala eeryada Isbitaal Digfeer.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in burbur xoogan uu soo gaaray Gaariga isla markaana basbeelay, waxaana sidoo kale aanu jirin khasaaro ka dhashay Qaraxa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa waayadan kusoo badanaaya Gaadiidka lagu xiro Qaraxyada iyo miinooyinka lagu aaso waddooyinka.

Dhinaca kale,dowlada Somalia ayaa ku goodisa inay qaadi doonto talaabo lidi ku ah Qaraxyada iyo amni darada ka jirta magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faahfaahin kasoo baxeysa Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this