Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka jawaabay haddal kasoo baxay Hogaanka Sare ee al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo qoraal lagu baahiyay baraha bulshada al-Shabaab lagu sheegay in maleeshiyada ay dileen Askari Mareykan ah, ayaa waa arrintaas ka hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu beeniyey wararka la xiriira in maleeshiyada al-Shabaab ay dileen Askari Mareykan ah.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buulo-gaduud ee Jubada Hoose 19-kii bishan aanay jirin askari Maraykan ah oo waxyeello kasoo gaartay.

Afhayeen u hadlay taliska Maraykanka ee AFRICOM Samantha Reho,ayaa sheegay keliya inuu jiro dagaal dhacay.

Waxa uu Samantha Reho, wakaaladda wararka ee Shiinaha u sheegay in dagaalkaas aanu xitaa kaga dhaawacmin Askari ayna badqabaan ciidamadooda ka howlgala Jubbaland.

“Waxaan ka warqabnaa warbixinta iyo Dagaalka dhacay, laakiin waa khalad oo waa been in khasaare uu ina soo gaaray’’.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay weeraro ka geystaan saldhigyo Shabaab ay leeyihiin, ayna sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, si Shabaab looga guuleysto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mareykanka oo ka jawaabay haddal kasoo baxay Hogaanka Sare ee al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this