Sign in to follow this  
Deeq A.

Sh.Shaakir: “Waxaan noqoneynaa maamulka ugu horreeya ee ciribtira Al-shabab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee degaannadiisa ka ciribtira Al-shabaab.

Sheekh Shaakir waxaa uu ka hadlayay gaba gabada shirkii amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ka socday saddexdii maalin ee la soo dhaafay.

Waxaa uu Madaxa Xukuumadda Galmudug intaas ku daray in Galmudug ay dooneyso in ay noqoto maamul Goboleedka dadkiisa ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Sanadka 2020,intaas ka horna ay Al-shabaab ka saaraan degaannadooda.

Dadka degaannada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay doonayaan in ay ka billaabaan degaannada Galmudug.

Maamullada Galmudug iyo Jubbaland ayaa noqday kuwa ugu horreeya ee fuliya qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga ee Bishan billowgiidii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Sh.Shaakir: “Waxaan noqoneynaa maamulka ugu horreeya ee ciribtira Al-shabab” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this